Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey xaqiiqada Xanta la xarimay oo ah: in lagu sheego Qofka Muslimka ee maqan wax uu dhibsaonayo, waxaasi ha ahaadaan Sifooyinkiisa Ilaahay ku abuurkay ama kuwo dhaqankiisa ah sida: Cawar, Khaa'in, Beenaale, iyo wixii la mida, ee ereyo Cay ah, xataa haduu leeyahay Sifadaa lagu sheegay. Hadaanu lahayn waxaa lagu sheegayo taasi wayba ka sii dambi wayn tahay Xanta, oo waaba Beeabuur, dadka lugu been abuuranayo wax aanay ahayn.