explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Muslimka Islaamnimadiisu kaamilka tahay uu yahay midka Muslimiintu ka nabad galaan Carabkiisa ee aan caayin, oo nacaladin, oo xamanin, oo dadka la dhex qaadin wax dhib ah oo uu ka gaysto carabkiisa. Muslimiintuna ka nabad galaan Gacantiisa oo aan ku xad gudbin, oo aan ku qaadan xoolahooda xaq daro, iyo wixii la mida. Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada waxa uu Ilaahay ka xarimay.

explain-icon

fawaed

  • kaamilnimada Islaamka la ma gaaro in dadka dhibka laga daayo si Maadi ahaana iyo macnawi ahaanaba mooyee.
  • Carabka iyo Gacanta waxaa si gaara loogu xusay, gafkooda iyo dhibaatadooda oo badan, waayo sharta ugu badan iyagay ka timaadaa.
  • waxaa la isku boorinayaa in laga tago macaasida oo lagu sugnaado wixii Ilaahay faray.
  • Muslimiinta waxaa ugu fadli badan Qofkii guta xaqa Ilaahay leeyahay iyo xuquuqda Muslimiinta.
  • Xadgudubku wuxuu noqon karaa hadal ama ficil.
  • Hijrada kaamilka ahi waa in laga tago wixii Ilaahay xarimay.