explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku booriyey in wanaaga la suubiyo oo aan la yaraysan wanaaga haba yaraadee, waxaana ka mida waji fornaanta iyo dhoolo cadaynta marka la kulmo, waxaa haboon in Qofka Muslinku ku dadaalo taas, waayo waxaa ku jira soo dhawayn Qofka Muslimka ah iyo in la farax geliyo.

explain-icon

fawaed

  • Fadliga ku jira isjacaylka Muuminiinta, iyo isku dhoola cadaynta iyo Waji fornaanta markay kulmaan.
  • Shareecadaani waa kaamil, wax walbana waa koobaysaa, waxaa ku jira wax kasta oo Muslimiinta wanaagooda iyo midnimadoodu ku jirto.
  • Waxaa la isku boorinayaa wanaaga falitaankiisa haba yaraadee.
  • Waxaa Suno ah in Muslimiinta la farax geliyo, waayo waxaa ku jira inay is jeclaadaan.