(Qofka mu'uminku wuxuu ku gaaraa akhlaaq wanaagiisa darajada qofka sooman ee salaada u taagan)

Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxay tiri: waxaan ka maqley Rasuulka Ilaahay scw inuu yiri: (Qofka mu'uminku wuxuu ku gaaraa akhlaaq wanaagiisa darajada qofka sooman ee salaada u taagan).
Sahih/Authentic. - Abu Dawood

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in akhlaaq wanaagu ay qofka gaarsiiso darajada qofka si joogto ah maalintii u sooma habeenka salaad u taagan, akhlaaq wanaaga waxaa lagu soo ururiyey: gacan furnaanta, hadal wanaaga, waji furnaanta, joojinta dhibka iyo dadka oo uu u dulqaato.

  1. Diinta islaamku si wayn ayey u ilaalisay in la lalyo akhlaaqda iyo kaamil nimadeeda.
  2. Fadliga akhlaaq wanaaga adoonku wuxuu ku gaaraa daraja qofka sooman ee aan afurayn iyo kan salaada u taagan ee aan daalayn.
  3. Soonka maalinta iyo salaatul-laylku waa labo camal oo waawayn naftana ku adag, darajadooduna gaarayso mida uu helo qofka akhlaaqda wanaagsan, waayo wuxuu ku dadaalay in naftiisu dhaqan wanaagsan yeelato.

Successfully sent!