Jariir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka aan dadka u naxariisan isagana Ilaahay uma naxariisto."
Xadiis Saxiix ah - Xadiis la isku waafaqay
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Qofka aan u naxariisan dadka in Ilaahay casa wajala isna uma naxariisto, Qofku inuu u naxariisto khalqiga waa asbaabta ugu weyn ee lagu gaaro naxariista Ilaahay.
fawaed
Naxariista waa u baahan yihiin khalqiga oo dhan, waxaase dadka si gaara loogu xusay ahmiyada la siiyey awgeed.