Qofka Ilaahay iyo maalinta qiyaamaha rumaysan khayr ha ku hadlo ama ha iska aamuso

Abii Hureyra Allaha ka raali Ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka scw inuu yiri: "Qofka Ilaahay iyo maalinta qiyaamaha rumaysan khayr ha ku hadlo ama ha iska aamuso, qofka rumaysan Ilaahay iyo maalinta qiyaamaha jaarkiisa ha maamuuso, qofka Ilaahay iyo maalinta qiyaame rumaysan ha maamuuso martidiisa."
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Nabigu scw wuxuu sheegay in adoonka mu'uminka ee rumaysan Ilaahay iyo maalinta qiyaamaha ee loo celinaayo ee abaal marita camalkiisu ay jirto, in imaankiisu ku dhiiri geliyo inuu sifooyinkaa wanaagsan sameeyo: Tan koobaad: hadalka wanaagsan: ee ah tasbiixda, tahliilka, wanaag farida, xumo reebida, islaaxinta dadka dhexdooda, intaa haduunu samayn karin ha iska aamuso dadkana dhibkiisa ha daayo, carabkiisana ha xafido. Tan labaad: maamuuska dariska: oo ah in loo ixsaan falo oo aan la dhibin. Tan sadexaad: maamuuska martida ku soo siyaarata: oo ah hadal wanaagsan, sooryeyn wanaagsan, iyo wixii la mid ah.

  1. Rumaynta Ilaahay iyo maalinta qiyaamahu waxay sal dhig u tahay khayr oo dhan, waxayna farayaan qofka inuu khayr sameeyo.
  2. Waxaa laga digayaa aafada carabka .
  3. Diinta islaamku waa diin isku duubnaan iyo karam ah.
  4. Sifooyinkaa waxay ka mid yihiin qaybha Iimaanka iyo aadaabta fiican.
  5. Hadalka badani waxaa dhici karta inuu qofka u soo jiido shay karaahiyo ah ama xaaraan ah, nabad galyadu waxay ku jirtaa inuusan ku hadlin waxaan khayr ahayn.

Successfully sent!