explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Adoonka muuminka ee rumaysan Ilaahay iyo Maalinta Qiyaamaha ee loo celinaayo Qiyaamaha ee abaal marinta camalkiisu ay jirto, in imaankiisu ku dhiiri geliyo inuu Sifooyinkaa wanaagsan sameeyo: Tan koobaad: hadalka wanaagsan: ee ah tasbiixda, tahliilka, wanaag farida, xumo reebida, islaaxinta dadka dhexdooda, intaa haduuna samayn karin ha iska aamuso dadkana dhibkiisa ha ka daayo, Carabkiisana ha xafido. Tan labaad: maamuuska Dariska: oo ah in loo ixsaan falo oo aan la dhibin. Tan seddexaad: maamuuska martida ku soo siyaarata: oo ah hadal wanaagsan, sooryeyn wanaagsan, iyo wixii la mid ah.

explain-icon

fawaed

  • Rumaynta Ilaahay iyo Maalinta Qiyaamahu waxay sal dhig u yihiin khayr oo dhan, waxayna farayaan qofka inuu khayr sameeyo.
  • Waxaa laga digayaa aafada Carabka.
  • Diinta Islaamku waa Diin isku duubnaan iyo karam ah.
  • Sifooyinkaa waxay ka mid yihiin qaybha Iimaanka iyo aadaabta fiican.
  • Hadalka badani waxaa dhici karta inuu Qofka u soo jiido shay karaahiyo ah ama xaaraan ah, nabad galyadu waxay ku jirtaa inuusan ku hadlin waxaan khayr ahayn.