explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka difaaca Sharafta Walaalkiisa Muslimka ah markuu maqan yahay, isagoo u diidaya in lacaayo oo la xumeeyo, Qofkaa Wajigiisa Ilaahay waa ka Ilaaliyaa cadaabka Maalinta Aakhiro.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa la reebay in wax laga sheego Cirdiga Muslimiinta.
  • Abaal marintu waa nooca camalku yahay, Qofka Cirdiga Walaalkiisa Muslimka ah difaaca isagana Ilaahay baa Naarta ka celiya.
  • Islaamku waa diin Walaaltinimo faraysana Muslimiintu inay xaqa isugu hiiliyaan.