Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka digay dulmiga, dulmiga waxaa ka mida: dadka oo la dulmiyo, nafta oo la dulmiyo, Ilaahay xaqiisa oo la dulmiyo, Dulmigu waa in laga tago in la siiyo mid walba oo xaq leh xaqiisa, dulmigu waa mugdiyo ay galayaan dadka sameeya dulmiga maalinta qiyaame, iyagoo la kulmidoona dhibaato adag iyo halaag. Waxa kale oo uu reebey Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee- bukhliga oo ah bakhaylnimada teeda ugu xun iyo ku dadaalideeda, waxaana ka mida ka gaabinta xuquuqda maalka saaran oo qofku ku bakhaylo iyo inuu aad ugu dadaalo aduunyo raadin. Dulmiga nuucaas ahi wuxuu halaagay ummaddihii inaga horeeyey, wuxuuna gaarsiiyey inay is laayaan oo ay xalaashadaan wixii Ilaahay ka xarimayn.