Nabigu scw wuxuu sheegay in Ilaahay Isagaa sareeya oo nusqaan ka hufane uu u caroodo midka muranka iyo dooda badan, ee gar maqaataha ah, ee xaqa inuu muran ku difaaco doonaya, ama xaqa ugu dooda si ka baxsan aadaabta iyo xadkii loo baneeyey oo cilmi daro ku dooda.