Nabigu scw wuxuu sheegay in salaadaha shanta ah ee la isku farad yeelay maalinta iyo habeenka, iyo salaada jumcaha ee usbuucii mar ah, iyo soonka oo bisha ramadaan oo sanadkii mar ah lagu dhaafo dambiyada yaryar waana shardi in laga fogaado dambiyada waa wayn. Dambiyada waawayn sida sinada iyo khamri cabida laguma dhaafo towbo maahee.