Ha caayina dadka dhintay, way la kulmeen waxay hor marsadeene

Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxay tiri: Nabigu scw wuxuu yiri: "Ha caayina dadka dhintay, way la kulmeen waxay hor marsadeene."
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari

Nabigu scw wuxuu cadeeyey inay xaaraan tahay in dadka dhintay la caayo iyo in sharaftooda wax laga sheego, taasina waa akhlaaq xumo, waayo waxay heleen waxay hor marsadeen ee acmaal fiican ama xun ahaa, caydaasina iyaga ma gaarayso ee waxay dhibaysaa kuwa nool.

  1. Xadiiskani wuxuu daliil u yahay inay xaaraan tahay cayda dadka dhintay.
  2. In la iska daayo cayda dadka dhintay waxaa ku jira ilaalinta danta dadka nool, iyo ka ilaalinta bulshada cadaawadda iyo is nacaybka.
  3. Xikmadda loo reebeyo cayda dadka dhintay waa inay la kulmeen wixii ay hor marsadeen, caydooduna waxba matarayso, waxayna dhib ku tahay qaraabadooda nool.
  4. Ma haboona dadku inay ku hadlaan wax aan maslaxadi ku jirin.

Successfully sent!