Ka warama haddii wabi marayo albaabka midkiin, oo ku qubaysanayo maalin walba shan jeer, uskag maku harayaa qofkaa?

Abii Hureyra-Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu ka maqlay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-inuu yiri: "Ka warama haddii wabi marayo albaabka midkiin, oo ku qubaysanayo maalin walba shan jeer, uskag maku harayaa qofkaa?" waxay dheheen: wax uskag ah kuma harayo qofkaa, wuxuu yiri: "sidaa waxaa la mid ah salaadaha shanta ah, oo Ilaahay dambiyaduu ku baabi'iyaa."
Sahih/Authentic. - Muslim

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku matalay shanta salaadood ee habeenka iyo maalinta la tukado sida ay u baabi'iyaan dambiyada yar-yar sida wabi qul-qulaya al-baabka qof guri, oo uu ku qubaysanayo maalin walba shan jeer, qofkaas wax uskag ah ama wasakh ah kuma harayaan.

  1. Fadligaasi wuxuu gaar ku yahay in lagu dhaafo danbiyada yar yar, Danbiyada waawaynse waa in laga towbad keeno.
  2. Fadliga gudashada salaadaha shanta ah ee faralka iyo in la ilaaliyo shuruudeeda, arkaanteeda, waajibaadkeeda, sunanteeda waa mid wayn.

Successfully sent!