explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka tukada Salaada Subxa inuu ku jiro Ilaahay xifdigiisa, ilaalintiisa, waardiyihiisa, difaacidiisa iyo u gargaaridiisa. Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in la jabiyo oo laga boxo balankaa, taasoo ah in Qofku ka tago Salaada Subaxa, ama Qof tukaday Salaadii Subax uu dhib u gaysto, Qofkii sidaa sameeya wuxuu buriyey balantii, wuxuuna mutaystay goodiga adag, iyado Ilaahay ku ciqaabidoono danbiga uu ku dhacay, Qofkii Ilaahay ka dalbo magantiisa wuu qabanayaa ka dibna wuxuu wajiga ugu tuurayaa Naarta.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa la cadeeyey muhimada Salaada fajarka iyo fadligeedaba.
  • Digniin adag ayaa loo diray qofka dhibaato u gaysta dadka Salaada Subaxa tukaday.
  • Ilaahay ayaa ka aara kuwa dhibaateeya Adoomadiisa Saalixiinta ah.