Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuuna ku jawaabay: Salaada falarka ah in waqtigeeda shareecadu xadeysey lagu tukado. Waxaa ku xiga, labada waalid oo loo baari noqdo loona samafalo, xaqoodan la guto, lagana daayo caasinimada. waxaa ku xiga, Jidka Ilaahay oo lagu jihaado, si kalmada Ilaahay ay u sarayso, iyadoo la difaacaayo Islaamka iyo dadkiisa, loona muujiyo shacaa`irta Islaamka, iyadoo loo hurayo Nafta iyo Maalkaba. Cabdullaahi Binu Mascuud- Ilaahay ha ka raali ahaadee: waxaa laga wariyey inuu yiri: intaasuu ii sheegay-Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee-, hadaan ku dhihilahaa: maxaa ku xiga? wuu ii siyaadin lahaa.