Nabigu-naxariis iyo nabadi korkii ha ahaatee- wuxuu cadeeyey in qof walba oo Muslim ah oo uu u soo galo waqtiga salaada wajibka ah oo hagaajiya waysadeeda oo dhamaystira, ka dib ku khushuuca salaadiisa isagoo qalbigiisa iyo xubnihiisa hor gaynaya Ilaahay iyo waynankiisa, isagoo dhamaystiraya camalka salaada sida rukuuca, sujuuda iyo qayrki, salaadaasi waxay noqonaysaa mid loogu danbi dhaafo wixii danbi yar ar ahaa ee salaadaas ka horeeyey, haduusan la imaan danbi wayn oo ka mida danbiyada kabaa`irta, fadligaasi wuxuu jiraa waqti walba iyo salaad walba.