Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay dahaarada qofku ku daahir noqonayo inay tahay weysada iyo qubayska waxayna shardi u tahay salaada. Erayga alxamdu lilaahi waxay buuxisaa miisaanka waana ammaanta Alle isagaa nusqaan ka hufane, iyo sifo ka mida sifooyinkiisa kamaalka ah, maalinta qiyaame waa la miisaamin waxayna buuxin miisaanka camalka. Erayga subxaana Allaah iyo Alxamdu lillaah waa ka hufidda Alle wax kastoo naaqus ah, iyo in ilaahay lagu sifeeyo kamaal oo dhan, kaasoo u qalma ilaahay waynankiisa, Isagoo la jecel yahay lana weyneynayo, taasi waxay buuxisaa inta u dhaxaysa samooyinka iyo dhulka. Salaaddu nuur ayey u tahay adoonka qalbigiisa, wejigiisa, qabrigiisa, iyo markuu maxsharka imaanayo. Sadaqadu waxay muminka u tahay xujo waxayna daliil u tahay in iimaankiisu run yahay kana duwan yahay munaafiqa aan rumaysnayn ajarka loo ballan qaaday. Sabirku waa iftiin, waana naftoo laga xabbiso argagaxa iyo carada, waana nuur uu la socdo kulayal iyo gubasho sida iftiika qoraxdoo kale, waayo sabirku waa dhib u baahan la dagaalanka nafta iyo in loo diido waxay rabto, qofka sabrayaa wuxuu ahaanayaa mid sabirka iftiinsada oo ku hanuuna oo si sax ah u toosnaada, sabirku waa daadcada ilahay oo lagu sabro, macsida oo laga sabro, musiibda oo lagu sabro iyo noocyada dhibaatooyinka Adduunka oo loo adkaysto. qur'aanku akhriskiisa iyo ku camal falkiisa ayuu xujo kuugu noqon, hadii aad akhrin waydo ama ku camal fali waydona xujo ayuu kugu noqon. Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee ka dib wuxuu sheegay in dadka oo dhan soconayaan oo faafayaan oo hurdadooda ka toosayaan oo guryahooda uga soo baxayaan shaqooyin kooda kala duwan. dadka waxaa ka mid ah qof ku toosan daacada Ilaahay oo naftiisa naarta ka xoreynaya, waxaa kaloo ka mida mid xaqa ka leexaday oo macaasida ku dhacaya oo naftiisa naar ku halaagaya.