explain-icon

Sharaxaad

Asaxaabiga Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu sheegay inuu Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- uu balan kula galay tawxiidka Ilaahay, gudashada salaadaha shanta ah ee faralka ah maalinta iyo habeenka, iyadoo uu u dhamaystirayo shuruudeeda, arkaanteeda, waajibaadkeeda, sunanteeda, bixinta sakada waajibka ah, waana cibaado maali ah oo waajib ah, taasoo laga qaado kuwa xoolaha leh oo la siinayo kuwa xaqa u leh ee fuqarada iyo kuwa lamidka ah, iyo inuu adeeco madaxda, oo muslim kasta u naseexeeyo, isagoo ku dadaalaya wax tarkiisa iyo inuu khayrka gaarsiiyo, oo sharka ka difaaco hadal ahaan iyo ficil ahaanba .

explain-icon

fawaed

  • xadiiska waxaa ku sugan muhimada ay leeyihiin salaada iyo sakadu, waxayna ka mid yihiin arkaanta Islaamka.
  • muhimad wayn ayey leedahay waanada iyo inay isu naseexeeyaan muslimiintu, ilaa uu Rasuulku naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee kula mubaayacooday asxaabta.