Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay Asaxaabtiisa dambiyada ugu waawayn, seddexdan buuna sheegay: 1aad. Ilaahay oo loo shariig yeelo: waana nooc walba oo cibaadada ka mida oo loo leexiyo cidaan Ilaahay ahayn, iyo Ilaahay Ilaahnimadiisa, Rabinimadiisa, Magacyadiisa iyo Sifaadkiisa oo cid kale lala simo. 2aad. Waalid caasiga: waana dayac iyo hagardaamo kasta oo labada waalid loogaysto, hadal iyo ficilba kuu doono ha ahaadee, iyo samafalkooda oo lala imaan waayo. 3aad. Been abuurka oo markhaati Beenaaluhuna soo galayo: waana hadal kasta oo Been abuura loogana jeedo in lagu duudsiiyo Qof, kaasoo lagu banaysanayo Maalkiisa, laguna xad gudbo Cirdigiisa iyo wixii la mida. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku celceliyey ka digida hadalka Been abuurka ah, isagoo ku baraarujinaya dadka xumaantiisa iyo saamayntiisa xun ee Bulshada uu u leeyahay, ilaa ay dheheen Asaxaabtu: muu iska aamuso, iyagoo u naxariisanaya Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo nacaya wixii isaga dhibaya.