Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Ummaddayda dhamanteed waa laga cafin dambiyada kuwa xumaanta muujista maahee, Qofku inuu danbi muujisto waxaa ka mida in ninku habeenkii danbi sameeyo oo waagu markuu u beryo isagoo Ilaahay asturay oranaaya waar hebelow shalay waxaan suubiyey caykaas iyo caankaas Xalayna wuxuu baryey isagoo Rabigi asturay, wuxuuna waabariistay isagoo asturkii Ilaahay iska faydeya. Xadiis Saxiix ah - Xadiis la isku waafaqay
explain-icon

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu cadeeyey Qofka Muslimka ah, ee dambaaba waxaa loo rajaynayaa cafinta Ilaahay iyo dambi dhaafkiisa, marka laga reebo midka cadaysta macsida oo ku faanaya si xishood la`aana, kaasi ma mudna in la cafiyo, isagoo habeenkii macsida suubiyey ayaa waagu u baryaa isagoo Ilaahay asturay, isagaase cid kale uga sheekeeya inuu macsi sameeyey shalay, Ilaahay ayaa habeenkii asturay, subuxiina isagaa iska qaaday asturkii Ilaahay!!

explain-icon

fawaed

  • Xadiiska waxaa ku cad xumaanta ay leedahay macsida oo la muujisto markuu Ilaahay asturay ka dib.
  • Macsida oo la cadaysto waxaa ku sugan faaxishada oo ku faafta Muminiinta dhexdooda.
  • Qofka Ilaahay Aduunka ku asturay Aakhirana wuu ku asturayaa, taasina waa naxariista Ilaahay ee balaaran ee uu Adoomadiisa siiyey.
  • Qofka lagu ibtileeyo macsi waa inuu naftiisa asturo, Ilaahayna u towbo keeno.
  • Dambi wayn bay leeyihiin kuwa muujista macsida ee u qasda inay macsida cadaystaan, waxay is dhaafinayaan dambi dhaafka Ilaahay.