Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey dambiyada waawayn, waana kuwa loo balan qaaday cida samaysa ciqaab adag oo Aduunyada iyo Aakhiraba ah. Tan koowaad: Ilaahay oo loo shariig yeelo: waana cibaadada noocay doontaba ha ahaate oo loo leexiyo cid aan Ilaahay ahayn, iyo Isaga oo lala simo wax aan Isaga ahayn wax yaabaha uu keligii xaq u leeyahay sida Ilaahnimadiisa, Rabinimadiisa, magacyadiisa iyo tilmaamihiisa wanaagsan. Tan labaad: waa Waalid caasiga: waana wax kasta oo labada Waalid dhib ku ah, oo ah hadal ama ficil, iyo u samafalkooda oo laga tago. Tan seddexaad waa Naf la dilo: taasoo ah xaq daro, sida dilka dulmiga iyo cadaawada ah. Tan afraad, waa dhaar badanaha: waa mida lagu dhaaranayo Beenta loo bareerayo, waxaana sidaa loogu magacaabay, waxay dhaar badanaha quusinaysaa dambi ama Naar.