Rasuulka Ilaahay wuxuu Ummaddiisa faray inay ka fogaadaan todoba dambi oo ah macaasi lagu halaagsamo, markii la waydiiyey ee la yidhi waa kuwee? waxuu ku cadeeyey inay yihiin: Tan koobaad: Ilaahay oo loo shariig yeelo, iyadoo la samaysto wax Ilaahay loo ekaysiiyo oo lalasimo nooc walba oo uu yahay, isagaa nusqaan oo dhan ka hufane, iyo cabaado cibaadooyinka ka mida oo Ilaahay qayrkii loo leexiyo, shirkiga ayuu ku bilaabay, waayo isagaa danbiyada u wayn. Tan labaad: sixirka- waana guntimo wax lagu tufay iyo dawooyin iyo qiiq-, kaasoo jirka ku saamaynaaya dhimasho ama bugto ama kala gayn labada is qabta, waana shaqo shaydaan, in badan oo sixirka ka mid lama samayn karo ilaa Ilaahay loo shariig yeelo iyo in loogu dhawaado arwaaxda xun in loo sameyo waxay jeceshahay maahe. Tan sadexaad: dilka nafta Ilaahay reebay dilkeeda in lagu dilo wax sharci ah ee xaakimku fuliyo maahe. Tan afraad: Ribada in loo isticmaalo cunid ama qaab kale oo nafac leh. Tan shanaad: ku xad gudubka maalka Agoonta uu aabohood dhintey iyagoon qaan gaarin. Tan lixaad: dagaalka gaalada la gula jiro oo laga cararo. Tan todobaad: in lagu tuhmo gabdhaha xorta ah ee dhawrsan sino, waxaa la mida in raga lagu tuhmo.