Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digayaa in lagu dhegenaado oo lagu socdo Dulmiga sida Macsida iyo Shirkiga, oo laga Dulmiyo dadka xaqooda, Ilaahay Koreeyee, wuu u kaadiyaa Qofka Daalimka ah cimrigana wuu u dheereeyaa, Maalkiisana wuu u daayaa oo ciqaabta kuma dedejiyo, haduu towbo keeni waayose wuu qabtaa oo masiidaayo umana dhaafo Dulmigiisii badan awgeed. Ka dibna wuxuu akhriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "Waa sidaa qabashada Rabigaa markuu qabto Magaalooyin Dulmi falay, Ilaahay qabashadiisu waa mid oo aad u daran" [huud:102].