Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa soo maray laba qabri wuxuuna yiri: Labada qof ee qabriyadan ku jira waa la cadaabayaa, wax wayna lagu cadaabimaayo aragtidiina, wax wayn bayna ka tahay xaga Ilaahay. Midkood wuxuu ahaa midaan danaynayn inuu ka ilaaliyo jirkiisa iyo dharkiisa kaadida markuu xaajo gudanaayo. kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray, isagoo ay ka tahay iska horkeenid, dhibaatayn iyo inay isku dhacaan dadku.