miyaanu ahayn Ilaahii ku socodsiiyey lugaha aduunyada mid awooda inuu ku socodsiiyo wajigiisa maalinta qiyaame?

Qataada Allaha u naxariiste waxaa laga wariyey inuu yiri: Anas Binu Maalik Allaha ka raalli ahaade wuxuu noosheegay in Nin yiri: Nabiga Alloow, sidee Gaalka loo keenin Maxsharka isagoo wajigiisa ku socda? wuxu yiri: ( miyaanu ahayn Ilaahii ku socodsiiyey lugaha aduunyada mid awooda inuu ku socodsiiyo wajigiisa maalinta qiyaame?) Qataada wuxuu yiri: haa, Cisada Rabigay ayaan ku dhaartaye.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Nabiga scw waxaa la waydiiyey: sida Gaalka loo keenin maxsharka maalinta qiyaamaha isagoo wejiga ku socda?! wuxuu yiri Nabigu scw miyaanu ahayn Ilaahii ku socodsiiyey labo lugood adduunka mid awooda inuu ku socodsiiyo wajigiisa maalinta qiyaamaha?! Ilaahay wax walba waa awoodaa.

  1. Gaalku waa dulaysan yahay maalinta qiyaamaha wuxuuna ku soconayaa wajigiisa.

Successfully sent!