Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay in Ilaahay markuu abuuray janada iyo naarta, uu ku yiri: malakul Jibriil nabad gelyo Allah siiye: janada aad oo soo eeg, wuuna aaday oo soo arkay kanasoo laabtay. Jibriil wuxuu yiri: Rabbiyow, cisadaada ayaan ku dhaartaye qofkii maqla janada iyo waxa dhexyaal oo nicmo iyo karam iyo khayr ah wuxuu jeclaanayaa inuu galo oo iyada u shaqaysto. Ka dib Ilaahay wuxuu ku wareejiyey janada wax yaabaha naftu neceb tahay iyo waxyaabo ay adag tahay in la sameeyo oo ah wax la is faray iyo wax la iska reebay, qofkii raba inuu janada galao waa inuu ka gudbo wax yaabahaas naftu neceb tahay. ka dib Ilaahay casa wajala wuxuu yiri: Jibriilow Janada aad oo soo eeg, waa markii uu ku wareejiyey Janada waxa naftu neceb tahay ka dib. Jibriil wuu aaday Janada oo soo eegay, ka dib wuu yimid wuxuuna yiri: Rabbiyow cisadaadaan ku dhaartaye waxaan ka cabsan inuu qofna gali waayo waxa ka sokeeya ee adayg iyo dhib ah darteed. Ilaahay markuu abuuray naarta wuxuu yiri: Jibriilow: soco oo soo eeg naarta, markaasuu aaday oo soo eegay naarta. Jibriil wuxuu yiri: Rabbiyow, cisadaadaan ku dhaartaye qofkii maqla waxa dhex yaala naarta ee cadaab, kurbo iyo dhibaato ah, wuu nacaya inuu galo wuuna isaga fogaanayaa sababta lagu galo naarta. ka dib Ilaahay wuxuu ku wareejiyey naarta oo jidkeeda dhigay waxa naftu jeceshahay iyo macmacaan, ka dibna Ilaahay Jibriila wuxuu ku yiri: Jibriiloow, soco oo soo eeg-naarta. Jibriil wuu aaday naarta oo soo eegay, ka dib wuu ka yimid wuxuuna yiri: Rabbiyow cisadaadaan ku dhaartaye waxaan ka baqay inuu qofba ka bad-baadi waayo waxa lagu gadaamay ee macmacaana awgeed.