Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay in nin ummaddiisa ka mida Ilaahey ka dooran doono khalqiga oo dhan maalinta qiyaamaha, waa loo yeerin si loo xisaabiyo, waxaa la soo hor dhigin sagaal iyo sagaashan diiwaan kuwaas lagu qoray camalkiisi xumaa ee uu ku sameeyey aduunka, mid walbna dhererkiisu yahay inta araggu gaadho. Ilaahay casa wajala ninkaa wuxuu ku oran: waxa diiwaanadaas ku qoran miyaad wax ka diiddan tahay? miyey ku dulmeen malaa'igtayda xafadada ah ee wax qora? Ninkii wuxuu oran: maya Rabbiyow. Ilaahay casa wajala wuxuu oran: camalkii aad aduunka ku samaysay ma u helaysaa wax cudur daar ah oo laguugu garaabi karo in ficilku kaaga dhacay si sahwi ah ama si gaf ah ama aqoon dari. Ninkii wuxuu oran: maya Rabbiyow, ma haysto wax cudur daar ah. Ilaahay casa wajala wuxuu oran: bale, waxaan kuu haynaa xasano, maanta lagu dulminmaayo. wuxuu yidhi: waxaa la soo saarin kaar ay ku qoran tahay: Ashhadu an llaa Ilaaha illallaah, wa ashhadu ana muxamadan cabduhu wa rasuuluhu. Ilaahey wuxuu ku dhihin ninkii: keen miisaankaaga. Ninku wuxuu oran isagoo yaabban: Rabbiyow!, kaarkani muxuu ka tarayaa miisaanka diiwaanadaan?! Ilaahay casa wajala wuxu ku oran ninkii: lagu dulminaayo. wuxuu yidhi: waxaa kafad la saarin diiwaanadii kafada kalena waxaa la saarin kaarka, kafadii diiwaanada la saaray ayaa fudayd noqon, waxaana cuslaanaya kafaddii kaarku saarnaa, markaasaa Ilaahay u danbi dhaafay.