Wixii ku dhaca muslimka ee ah rafaad ,daal, hami, murug, uur ku taalo iyo dhibaato, xataa qodaxda mudaysa, Ilaahay danbigiisuu ugu dhaafaa

Abii Saciid Al-khudriy iyo Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- waxay Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee ka wariyeen- inuu yiri: " Wixii ku dhaca muslimka ee ah rafaad ,daal, hami, murug, uur ku taalo iyo dhibaato, xataa qodaxda mudaysa, Ilaahay danbigiisuu ugu dhaafaa".
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Waxuu Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiiye- caddeeyey waxa soo gaadhaya muslimka ee bugtaan iyo murugo iyo walba haar iyo dhibaatooyinka kale sida: cabsida, gaajada, xataa qodaxda wareemaysa ee xanuunineysa, waxaasoo dhan kafaara gud buu u ahaanayaa, uu Alle dambiyadiisa kaga dhaafayo.

  1. Waa cadayn fadliga Ilaahay siiyey adoomadiisa muuminiinta ah iyo siduu ugu naxariistay oo uu ugu danbi dhaafay dhibka ugu yar ee soo gaaray.
  2. Waxaa ku haboon mu'uminku inuu Ilaahay kaga ajar dalbo wixii dhib ah ee ku dhaca oo uu ku sabro wixii yar ama wayn ee ku dhaca si ay ugu noqoto mid darajadiisa kor u qaada danbigana looga dhaafo.

Successfully sent!