explain-icon

Sharaxaad

Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, anigu dambi walba waan sameeyey, mid yar iyo mid weynba midna maanan dhaafine dambi dhaaf ma leehay? Wuxuu ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee miyaadan qirsanayn inuu Ilaahay maahee Ilaah kale jirin Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay? wuxuu ugu cel-celiyey seddex jeer. Wuxuu ugu jawaabay: haa waan qirayaa. Wuxuu u sheegay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee fadliga labada shahaado iyo in lagu dhaafo dambiyada, towbaduna ay masaxdo wixii ka horeeyey ee dambi ahaa.

explain-icon

fawaed

  • Aad ayey u wayn yihiin labado shahaado wayna ka culus yihiin dunuubta qofkii si run ah uga yiraahda qalbigiisa.
  • Islaamku wuu baabi`yaa wixii danbi ah ee ka horeeyey.
  • Tawbada runta ahi waxay masaxdaa wixii ka horeeyey ee danbi ah.
  • Qofka wax barida in loogu cel-celiyo waa dhaqankii Nabiga lagu yaqaanay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
  • Fadliga labada shahaado, iyo inay sabab u noqonayaan in qofku kaga bad-baado ku waarida naarta.