Rasuulka Alloow, kama aanan tegin dambi weyn iyo dambi yar oo waan wada sameeyey, wuxuu Nabiga ku yidhi : .miyaadan qireyn inuu Alle maahee Alle kale jirin Maxamadna rasuulka Alle yahay

Anas allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yidhi: Nin ayaa Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee u yimid wuxuuna yidhi: Rasuulka Alloow, kama aanan tegin dambi weyn iyo dambi yar oo waan wada sameeyey, wuxuu Nabiga ku yidhi : .miyaadan qireyn inuu Alle maahee Alle kale jirin Maxamadna rasuulka Alle yahay saddex jeer ayuu ku celiyey. wuxuu yidhi: haa, wuxuu yidhi: dambiyadaas shahaadateynka ayaa luugu dhaafay.
Sahih/Authentic. - Abu Ya‘laa

Nin ayaa u yimid Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee waxuuna ku yidhi: Rasuulka Alloow, anigu dambi walba waan sameeyey, mid yar iyo mid weynba midna maanan dhaafine dambi dhaaf maleehay? Waxuu ku yidhi Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee miyaanad qirsaneyn inuu Alle maahee Ilaah kale jirin Maxamadna Rasuulka Alle yahay? wuxuu ugu cel-celiyey saddex jeer. Wuxuu ugu jawaabay: haa waan qirayaa. Wuxuu u sheegay Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee fadliga labada shahaado iyo in lagu dhaafo dambiyada, towbaduna masaxdo wixii ka horreeyey ee dambi ahaa.

  1. Labado shahaado inay aad u wayn tahay kana culus tahay dunuubta qofkii si run ah uga yiraahda qabiga.
  2. Islaamku wuu baabi`yaa wixii danbi ah ee ka horeyey.
  3. Tawbada runta ahi waxay masaxdaa wixii ka horeeyey ee xumaan ah.
  4. Qofka wax barida in loogu cel-celiyo waa dhaqankii Nabiga lagu yaqaanay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate.
  5. Fadliga labada shahaado, iyo inay sabab u noqonayaan in qofku kaga bad-baado ku waarida naarta.

Successfully sent!