Mucaad Binu Jabal-Allaha ka raali ahaadee wuxuu ahaa mid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee gadaashiisa la fangashan Neefkiisii uu fuushanaa, wuu u yeeray: Mucaadow? wuuna ku cel-celiyey dhawaqaa seddex jeer, isago ku adkaynaaya ahmiyada wuxuu ku oron doono. Intaasoo dhana wuu u jawaabayey Mucaad oo kama aamuseyn Rasuulka, isagoo dhahayey: (waa ku ajiibay hadan waa ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow, farxad ayey ii tahay ajiibidaaduye). Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay Qofkii qira inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee, Maxamadna Rasuulkii Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa ka run sheegaya, beenna ka ahayn, hadduu sidaa ku dhinto Ilaahay wuu ka xarimaa Naarta. Mucaad ayaa waydiiyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxarii Allaha siiyee inuu dadka u sheego, si ay ugu farxaan oo khayr ugu bishaaraystaan. Rasuulku nabdgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka baqay inay is dhigtaan oo camalkoodu yaraado. Intuusan dhiman ka hor Mucaad warkaa qofna uma sheegin, ilaa uu Nabigu geeriyooday ka dib, isagoo ka baqay dambi inay ku noqoto qarinta cilmigu.