Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomada, iyo xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin, xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomada waa inay caabudaan kaligi oo aanay cidna la wadaajin cibaadadiisa. Xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin waa inuusan cadaabin kuwa Muwaxidiinta ah ee aan cibaadadiisa cidna la wadaajin Mucaad ka dib wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahayow, ma ugu bishaareeyaa dadka si ay ugu farxaan oo ay ugu bishaaraystaan fadligaas? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Mucaad wuu u diiday isago ka baqaya in dadku isku haleeyaan warkaas.