explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu jirey safaradiisii mid ka mid ah, dadkuna waxay ku sugnaayeen meeshii ay dageen iyo tendhooyinkooda, qof buuna u diray dadka -si uu fariin ugu sheego- taasoo ah: in laga wada jaro wax yaabaha qardhaasaha ah ee awrta qoorta loogu xiray, ha ahaado xadhig, ama waxkale sida koorta ama kabaha, waayo waxaasay u xiri jireen, cabsi ay ka qabeen isha darteed, waxaana la amaray inay ka jaraan xoolaha waxaa, waayo wax ay ka difaaci kartaan jirin, wax tarka iyo wax yeelladuba gacanta Ilaahay bay ku jiraan, kaligi cid la wadaagta ma jirto.

explain-icon

fawaed

  • Waa xaaraan in lagu lulo xarko iyo kuulo si ay nafac ugu keenaan ama dhib uga celiyaan, waayo waxaasi shirkiga ayey ka mid yihiin.
  • Waxaa waajib ah in xumaanta la joojiyo-oo laga hortago qof walba inta awoodiisa ah.
  • Waa waajib in qalbiga lagu xidho Ilaahay kaligii, Ilaahay malaha wax shariig ah.