Caa'isha iyo Cabdullaahi Binu Cabaas Allaha ka raali ahaadee waxay inoo sheegeen in markii Rasuulka Ilahahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu ku dhacay sakaraadku, inuu bilaabay inuu wajiga iska saaro maro, marka neeftu ku dhagto sakaraadka awgii uu iska qaadayey, wuxuuna dhahayey isagoo xaaladaa adag ku jira: Allaha lacnado Yuhuud iyo Nasaaro oo ha ka fogeeyo naxariistiisa, sababtoo ah waxay ka dul dhiseen qubuuraha Nabiyadooda Masaajid, haduuna arinkaasi khatar weyn ahayn Nabiga oo xaalad sakaraad taagan muuna sooqaadeen, sidaa darteed wuxuu ka reebay Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ummaddiisa inay sidasoo kale la yimaadaan oo ay u ekaadaan Yuhuuda iyo Nasaarada, waayo waa ficil Yuhuud iyo Nasaaro ay ku tilmaaman yihiin, waana wax u jiidi kara Qofka inuu Ilaahay u shariig yeelo.