(Way halaagsameen kuwa diinta

Cabullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri : (Way halaagsameen kuwa diinta isku adkeeya) saddex jeer ayuu yiri.
Sahih/Authentic. - Muslim

Nabigu scw wuxuu sheegay guul darada iyo khasaaraha ku dhacaya kuwa diinta isku adkeeya iyagoo toosnaan iyo cilmi ku socon diintooda iyo aduunyadoodaba, iyo hadalkooda iyo ficilkoodaba, kuwaasoo dhaafay xadka sharciga ah ee Nabigu scw la yimid.

  1. Waxaa la xarimay in la isku adadkeeyo oo la isku kalifo arin walba, waxaana la isku booriyey in isku adkayta laga fogeeyo arin walba, gaar ahaana arimaha cibaadada iyo waynaynta saalixiinta.
  2. Qofku inuu raadiyo cibaadada ugu saraysa iyo qayrkeedba waa arin fiican, waxayna noqonaysaa sharciga oo la raaco.
  3. Waa suno in la adkeeyo arinkii muhiim ah, waayo Nabigu scw wuu ku soo celceliyey hadalkaa sadex jeer.
  4. Wanaaga Islaamka iyo fudaydkiisa.

Successfully sent!