explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay guul darada iyo khasaaraha ku dhacaya kuwa Diinta isku adkeeya iyagoo toosnaan iyo cilmi ku socon Diintooda iyo Aduunyadoodaba, iyo hadalkooda iyo ficilkoodaba, kuwaasoo dhaafay xadka Sharciga ah ee Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee la yimid.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa la xarimay in la isku adadkeeyo oo la isku kalifo arin walba, waxaana la isku booriyey in isku adkayta laga fogeeyo arin walba, gaar ahaana arimaha cibaadada iyo waynaynta saalixiinta.
  • Qofku inuu raadiyo cibaadada ugu saraysa iyo qayrkeedba waa arin fiican, waxayna noqonaysaa Sharciga oo la raaco.
  • Waa Suno in la adkeeyo arinkii muhiim ah, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku soo celceliyey hadalkaa seddex jeer.
  • Xadiiska waxaa ku sugan wanaaga Islaamka iyo fudaydkiisa.