Rasuulka Ilaahay ayaa u baxay xaga Xuneyn: waana tog u dhexeeya daa'if iyo makah, waxaana la socday asaxaabta qaarkood, oo diinta islaamka ku cusbaa waqtigaa, waxay siimareen geed la oran jiray: '' daatu Anwaad '' oo maceheedu ahaa geedkii meelaha wax la surto lahaa, kaasoo gaaladu ay weyneyn jireen oo ay hubkooda iyo wax kaleba suran jireen iyagoo barakaysanaya. Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxay waydiisteen inuu u sameeyo geed kaasoo kale ah oo ay hubkooda surtaan oo ay barakaystaan waxayna u maleeyeen in arinkaasi banaan yahay. Wuu ka subxaanallaystay Nabigu csw hadalka ka soo yeeray asaxaabta, isagoo aad u diiday hadalkaas Ilaahayna weyneynaya, wuxuuna u sheegay in hadalkaasi la mid yahay hadalkii qaladii Nabi Muuse loodiray ay ku dheheen muuse: {Noo samee Ilaah sida kuwaasba ay u samaysteen Ilaah }, markay arkeen kuwo sanamyo caabudaya, ayey dalbadeen in iyagana sanamyo loo sameeyo, sidaasina waa raacitaan la raacayo wadada Mushrikiinta. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu sheegay inay ummaddani raaci doonto wadadii Yuhuuda iyo Nasaaradu mareen oo ay samayn doonto ficilkoodii isagoo ka digaya arinkaas.