explain-icon

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay- in Ilaahay reebay in lagu dhaarto Aabayaasha, Qofkii doonaya inuu dhaarto yaanu ku dhaaran cidan Ilaahay ahayn oo yaanu ku dhaaraan Ilaahay qayrki. Ka dib Cumar Binu Khadaab ayaa sheegay inuusan ku dhaaran aabihii ilaa markii uu reebida ka maqley Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee, si u la kaca ama mid aan qof kale oo ilaahay qayrki ku dhaartay ka soo wariyaye.

explain-icon

fawaed

  • waa la xarimay in lagu dhaarto cidaan Ilaahay ahayn, wuxuuna si gaara u sheegay in aabayaasha lagu dhaarto, waayo waa dhaqankii jaahiliga.
  • Dhaartu: waa in lagu dhaarto Ilaahay ama magacyadiisa iyo sifooyinkiisa iyadoo la adkaynaayo arin gaara.
  • Fadliga Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali noqdee, siduu ugu degegay inuu fuliyo amarka iyo fahamkiisa fiican iyo xalaal miiradkiisa.