explain-icon

Sharaxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee nin ayaa weydiiyey labada sifo ee midi waajibinayso galida Janada, midna waajibinayso galida Naarta? Nabigu nabad iyo naxariis Allah siiyee wuxuu ugu jawaabay: in sifada waajibinaysa galida janada ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay kaligi caabudaya oo aan u shariig yeelin. Sifada waajibinaysa galida naartana ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay u shariig yeelaya, oo u yeela Ilaahay wax la mida ama u dhigma xaga Ilaahnimadiisa, rabinimadiisa, magacyadiisa iyo sifooyinkiisa.

explain-icon

fawaed

  • Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga Tawxiidku leeyahay iyo in Qofkii dhinta isagoo Muumina oo aan Ilaahay cidna ugu shariig yeelin uu Janada gelayo.
  • Xadiiska waxaa ku sugan khatarta shirkigu leeyahay, iyo in Qofkii dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya uu Naarta gelayo.
  • Muwaxidiinta intooda caasiga ah waxay hoos joogaan mashii`ada Ilaahay , haduu doono wuu cadaabin haduu doonana wuu u dambi dhaafin, ka dibna waxay ku danbaynayaan Janada.