Anas Binu Maalik Allaha ka raali Noqde wuxuu sheegay iyado Asxaabtu la fadhiyaan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee masaajidka, ayaa nin rati fuushan la soo galay oo ritigii arumay ka dibna xiray. Ka dibna wuu waydiiyey Asxaabta: kiineebaa ah Maxamed? Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Asxaabta dhexdooda ayuu xusul mudan yahay , waxaan ku niri: waa ninkaa cad ee xusul mudan, ninkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: ina Cabdul Mudalibow, Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxu ku yiri: waan ku maqlayaaye i waydii waan kuu jawaabine. Ninkii wuxuu ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waan ku waydiin waana kugu adkayne ha igu xanaaqin. macnaha: ha ii caroon oo ha i dhibsan. Nabigu wuxuu ku yiri-: i waydii waxaad rabtid. wuxuu yiri: waxaan kugu dhaariyey Rabigaa iyo Rabiga cidii kaa horaysaye, ma Ilaahay baa kuu soo diray dadka? wuxuu ku yiri: Allahayow haa, isagoo adkaynaaya runtiisa. Ninkii ayaa yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye, ma Ilaahay baa ku amray inaan tukano salaadaha shanta ah maalinta iyo habeenka? waana salaadaha faralka ah, wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye ma Ilaahay baa ku amray inaan ka soono bishan sanadka? waa bisha Ramadaan, wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye, ma Ilaahay baa ku amray inaad ka qaado sadaqada kuwayaga qaniga ah oo aad u qaybisid kuwayaga saboolka ah? waana sakada, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri Allahayow haa, Damaam wuu Islaamay, wuxuuna u sheegay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu ugu yeeri doono tolkii diinta islaamka, wuuna isa sheegay inuu yahay Damaam Binu Thaclabata, oo reer banii Sacad banii Bakar ah.