explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Asxaabta u diri jiray inaysan ka tagin wax sanam ah, waana sawirka wax nool oo jurmi leh ama wax aan jurmi lahayn ee ay burburiyaan oo tirtiraan. Iyo inaysan dhaafin qabri kor loo dheereeyey ilaa ay dhulka la simaan, wixii laga dul dhisayna ay dumiyaan, ama ay ka dhigaan mid siman oo aan dhulka ka sarayn wax badan balse ka sareeya wax taako dhan.

explain-icon

fawaed

  • Waa xaaraan in la sawiro wixii noole ah, waayo wwuxuu ka mid yahay wax yaabaha shirkiga keena.
  • Waa sharci in munkarka gacan uu ku bedelo qofka masuulka ahi ama awood u leh.
  • Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku dadaalay baabi'inta shay walba oo ku tusaaya raadkii jaahiliyada, sida sawirada, asnaamta, dhismaha qubuurta laga dhisay.