Nin ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna kala hadlay arin uu rabay, ka dibna wuxuu yiri: ''waxa Ilaahay doono adna aad doontid'', Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee, wuu ku diiday wuxuuna u sheegay in doonista Ilaahay oo lagu xiriiriyo doonista makhluuqa oo loo dhaxaysiiyo xarafka waaw ay tahay shirkiga yar, oo aysan u banaanayn qof muslim ah inuu ku hadlo. Nabigu scw ka dib wuuu u sheegay hadalka xaqa ah kaasoo ah: ''maashaa Allaah waxdahu'', oo doonista Ilaahay waa kali yeelayaa oo doonis cid kalae lagu xiririn maayo nooc ay tahayba.