Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka dhaha ee carabkiisa kaga dhawaaqa: "laa ilaaha illa-llaah", yacni: majiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, ee ku kufriya waxa Ilaahay sokadii la caabudo, kana bari noqda Diimaha oo dhan, Islaamka mooyee, Ilaahay wuu ka xarimaa Muslimiinta Maalkiisa iyo Dhiigiisa, camalkiisa muuqda mooyaa wax kale kuma lihin, maalkiisa laga qaadi maayo, dhiigiisana la daadin maayo, inuu Danbi ama Jariimo galo ay waajibto in Dhiigiisa la daadiyo iyado axkaanta Islaamka waafaqsan mooyee. Ilaahay baana maamulaya xisaabtiisa Maalinta Qiyaame, hadduu runlow ahaa isagaa ka ajar siin, hadduu munaafaq noqdana isagaa cadaabin.