Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- isagoo la jooga qaar asxaabtiisa ka mida ayuu waydiiyey sadex jeer inay la mubaayacoodaan oo balan kula galaan inay dhawr arimood ku dhaganaadaan. mida 1aad: inay Ilaahay kaligi ay caabudaan, iyagoo u hogaan samaya amaradiisa, kana fogaanaya wixii uu ka reebay, cid kalena cibaadadiisa aanay la wadaajin. mida 2aad: inay oogaan salaadaha shanta ah, ee Ilaahay faral yeelay maalinta iyo habeenka. mida 3aad: In la maqlo oo wanaaga lagu adeeco qofka loo dhiibo talada Muslimiinta. mida 4aad: baahidooda oo ay Ilaahay keligi u sheegtaan, oo aanay dadka waxba waydiisan, Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-codkiisa hoos ayuu u dhigay. wayna ku camal faleen asaxaabtu wixii ay Nabiga kula mubaayacoodeen, ilaa uu raawiga xadiisku yiri: waxaan arkay asaxaabtii uu Nabigu scw la mubaayacooday oo haduu midkood jeedalku ka dhoco aan cidna waydiisanayn inay u soo qaadaan, ee isagu soo dagayo oo qaadanayo jeedalkiisa.