Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka codsaday adeerki Abii Daalib isagoo sakaraadkii geerida ku jira, inuu ku dhawaaqo shahaadada, si uu ugu shafeeco Maalinta Qiyaamaha, oo uga markhaati koco inuu Islaamay, wuu diiday inuu ku dhawaaqo Shahaadada, isago ka baqaya in Qurayshi ku caydo, oo ku tiraahdo wuxuu u Islaamay ka baqid dhimasho iyo taagdaro! wuxuu ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: hadayna taasi jirin qalbigaaga waa uga farxin lahaa Shahaadada, waxaanan ku tusi lahaa waxaad jeceshahay ilaa aad raali noqoto!, Ilaahaybaa soo dajiyey Aayada sheegaysa in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uusan lahayn hidaayada towfiiqda Islaamka, balse Ilaahay casa wajala kaligi ayaa waafajiya cidii uu doono. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ummadda wuxuu ku hanuuniyaa hidaayada dalaalada, Cadynta, hanuuninta iyo inuu jidka toosan dadka ugu yeero.