explain-icon

Sharaxaad

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay daawada ugu fiican ee su`aalaha uu ku waswaasiyo sheydaanku Muuminka. Sheydaanku wuxuu oran: yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? yaa abuuray Samada? yaa abuuray Dhulka? Muuminku wuxuu ugu jawaabayaa Diin ahaan, Fidro ahaan iyo Caqli ahaan isagoo dhahaya: Allaah. laakiin Sheydaanku ku joogsanmaayo xadkaas waswaasinta ah balse wuxuu u gudbayaa inuu dhoho: yaa abuuray Rabigaa? Markaas Muuminku wuxuu waswaaskaas isaga joojin karaa seddex arimood: Ilaahay oo uu rumeeyo. Iyo inuu Ilaahay Shaydaanka ka magan galo. Iyo inuu ka joogsado inuu waswaaska sii wado.

explain-icon

fawaed

  • Xadiiska waxaa ku sugan in la iska joojiyo waswaaska Sheydaanka iyo waxa nafta ku soo dhacaya oo aan lagu fakarin wax yaabaha waswaaska ah, oo Ilaahay ka magan galo inuu ka joojiyo waswaaskaas.
  • Wax kasta oo qalbiga dadka ku soo dhaca oo waswaas ah Sharcigana khilaafsan Shaydaan ayuu ka yimid.
  • Waa la iska reebay in Daatada Ilaahay lagu fekero, waxaana la isku booriyey in Ilaahay khalqigiisa iyo Aayaadkiisa lagu fekero.