explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Cabdillaahi Binu Judcaan, oo ahaa Islaamka ka hor madaxdii qurayshta Ficiladiisii wanaagsanaa waxaa ka mid ahaa: xiriirintii qaraabadiisa, quudinta masaakiinta iyo wax yaabo kale oo islaamku ku booriyey dadka, wanaagaa uu qaban jiray ninkaa Aakhiradiisa waxba u tarimayso, sababtuna waa inuu Ilaahay ku kufriyey, oo uusan maalina oran Rabiyow ii dhaaf gafkayga maalinta qiyaamaha.

explain-icon

fawaed

  • Waa cadayn fadliga iimaanku leeyahay, iyo inuu shardi u yahay aqbalida camalka.
  • Waxaa la cadeeyey xumaanta kufrigu leeyahay, iyo inuu ka mid yahay waxa camalka saalixa ah buriya.
  • Gaalada ma anfacayo camalkooda wanaagsani aakhiro waayo ma aysan rumeyn Ilaahay iyo Maalinta Aakhiro.
  • Camalka dadku sameeyo markay gaalada yihiin waa loo qoraa haduu Islaamo waa laga abaal mariyaa.