Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inuu Ilaahay amray inuu la dagaalamo mushrikiinta ilaa ay qiraan inuusan jirin macbuud xaq lagu caabudo oo aan Allah wayn ee waaxid ka ah ahayn, wax lala wadaajiyaana aanu jirin, Nabi Maxamadna uga markhaati kacaan in Rasuul Ilaahay u soo dhiibay risaalada diinta, shahaadadaasi waxay keenaysona ku camal falaan sida ilaalinta salaadaha shanta ah ee habeenka iyo maalinta la gudanaayo, iyo inay bixiyaan sakada waajibka ah, iyadoo la siinayo kuwa xaqa u leh. Haday sameeyaan arimahaa kor ku xusan diinta Islaamku way ilaalinaysaa dhiigooda iyo maalkooda, mana banaana dilkoodu inay fal dambiyeed ama jariimo ay dil mutaystaan ku dhacaan maahee iyadoo lagu xukumaayo shareecada Islaamka, maalinta qiyaamahana Ilaahay ayaa iska leh xisaabtooda, isagaa og sirtooda iyo waxa u qarsoone.