Wuxuu yiri Ibnu Mascuud: wuxuu noo sheegay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isago runlow ah oo la rumaysto, isagoo Ilaahay rumaystay. wuxuu yiri: midkiin waa la jamciyaa abuuritaankiisa, taasina waa hadii ninku xaaskiisa u galmoodo manidiisu waa baahsan tahay waxaa lagu aruurin uurka Gabadha mudo afartan beri ah isagoo candhuuf u eg. Ka dib wuxuu noqon Xinjir taaso ah dhiig adag, waana afartanka labaad. Ka dib wuxuu noqon cad hiliba waana cad yar oo la calalin karo, waana afartanka seddexaad, Ka dib Ilaahay wuxuu u soo diraa Malag, naftuuna ku afuufaa afartanka seddexaad markay dhamaato, Waxaa la faraa Malaga inuu qoro afar kalimadood oo ah: Risiqiisa, oo ah inta ay dhan tahay nicmada uu helaayo inta uu nool yahay, Ajashiisa, waana intuu aduunka joogi doono, Iyo Camalkiiisa, muxuu noqon, ma mid hoogay baa mise mid liibaanay. ka dib wuxuu Nabigu ku dhaartay -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- qofku inuu camalka Ahlu Janaha camal falin, kaasoo ah camal saalixa, sida dadka u muuqata, sidaas ayuu ahaanayaa ilaa markay Janadu u jiro dhudhun, waxaa yacni markay Janada uga dhiman tahay inta qofka dhulka maraya ay uga dhiman tahay wax dhudhun le`eg waxaa ka qaalib noqda qadarkii u qornaa wuxuuna camal falin camalka Ahlu Naarka oo loogu khatimin Naartuuna gelin, waayo Shardiga lagu aqbalayo camalkiisa waa inuu Qofku ku sugnaado camalkiisa saalixa ah oo uusan xumaana ku badalin, mid kale oo dadka ka mida ayaa camal falin camalka Ahlu Naarka ilaa uu ku dhawaado inuu galo, waa sida isago Naarta u jirsaday wax le'eg dhudhun dhulka ah, waxaa ka kormarin qadarkii Ilaahay u qoray wuxuuna camal falin camalka Ahlu Janaha wuuna gelin Janada.