Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in Yuhuudu yihiin duul Ilaahay u carooday, waayo intay xaqa garteen ayey ku camal fali waayeen. Kiristaankuna waa duul baadiyoobay, waayo waxay ku camal faleen aqoon la`aan.
fawaed
Cilmiga iyo camalka oo la isku geeyo ayaa lagaga bad-baadayaa wadada ay mareen kuwa loo carooday iyo kuwa baadiyoobay.
Waxaa laga digayaa wadada Yuhuuda iyo Kirishtaanku mareen, waxaana la ina farayaa inaan ku ekaano jidka toosan ee Islaamka.