markay soo degtay aayada: {Waa la idin waydiin maalinta qiyaamaha nicmooyinkan}, waa la idin waydiin inaad la timaadeen mahadnaqa nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay, Subeyr Binu Alcawaam ayaa yiri -Allaha ka raali ahaade: Rasuulka Ilaahayow nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, nicmooyinkee ayaa nalawaydiin doonaa?! waxaanba haysanaa waa laba nicmoo su'aalba mudnayn in wax nalaga waydiiyee kuwaasoo ah timirta iyo biyaha! Nabigu scw wuxuu yiri: adinka waa la idin waydiin doonaa nicmooyinka xataa xaaladan aad ku sugan tihiin iminka, waayo labadani waa labo nicmo oo waawayn oo nicmooyinka Ilaahay ka mid ah.