Nabigaa scw wuxuu u khudbeeyey dadka maalinta makah la furay, wuxuuna yiri: dadow, Ilaahay ayaa idinka kor qaaday oo idinka bixiyey kibirkii jaahiliyada iyo islawaynideedii iyo iskugu faanidii aabayaasha, dadku waa labo nuuc uun: Waa mid mu'umin baari ah oo taqi ah oo Ilaahay casa wajala adeecay oo caabuda, kaasi Ilaahay kariim ayuu ku yahay, yuuba ahaane mid sharaf iyo nasab dadka ku dhex lehe. iyo mid gaal faajir ah oo hooge ah, kaasina Ilaahay xaggiisa wuxuu ka yahay mid aan qiimo lahayn oo duli ah oo aan waxba ahayn, haba haaado mid nasab ama waji iyo saldano leh. Dadka dhamaantood waa ubadkii Aadam, Aadamna Ilaahay wuxuu ka abuuray ciid, kuma haboona mid asalkii laga abuuray ciid inuu kibro oo uu is cajabiyo, waxaana u daliil ah qawlka Ilaaay casa wajala yiri: {dadoow anagaa idinka abuurnay lab iyo dhadig, waxaanan idinka yeelnay shucuub iyo qabiilo, si aad isku garataan, xaga Ilaahay waxaa idiinku karaamo badan kan idiinku taqwo badan, Ilaahay waa cilmi badane khibrad badan.} [al-xujuraat:13].