Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Muslim kasta oo qaan gaar ah laga rabo Maalin kasta Xubin walba oo Xubnaha Jirkiisa ka mida Sadaqo uu Ilaahay darti ula baxo isagoo uga mahad celinaaya Ilaahay caafimaadka, iyo inuu uga dhigay lafahiisa xubno uu soo laabi karo oo uu fidin karo. Sadaqadaas waxaa lagu bixin karaa camal kasta oo wanaagsan ee kuma xirna in Xoolo la bixiyo oo kaliya waxaana ka mid ah: Dhex-dhexaadintaada iyo heshiisiintaada labo is heysata waa Sadaqo, Midka aan awoodin inuu fuulo ama raro Gaadiidkiisa oo aad caawisana waa Sadaqo, Hadalka wanaagsan sida: Dikriga, Ducada, Salaanta, iyo qayrkeed waa Sadaqo. Talaabo kasta oo aad u qaado Salaada waa Sadaqo, Dariiqa oo aad ka qaado wixii lagu dhibtoonayo waa Sadaqo.